Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay masuuliyiinta iyo wakiillada warbaahinta ka hawlgasha Gobolka Nugaal.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Golaha Wakiillada Puntland iyo warbaahinta, kor u qaadidda is-dhaafsiga xogta rasmiga ah, iyo dardargelinta baahinta howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka ee Golaha si bulshada loogu gudbiyo xog sugan, hufan, isla markaana waqtigeeda ku habboon.
Agaasimaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay warbaahintu u leedahay wacyigelinta bulshada, kobcinta isla xisaabtanka, iyo baahinta xogaha saxda ah ee la xiriira shaqada Golaha Wakiillada. Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyey bahda warbaahinta doorka ay ka qaataan horumarinta wacyiga bulshada iyo taageeridda hannaanka dimuqraadiyadeed.
Dhankooda, wakiillada warbaahinta ayaa soo dhaweeyey kulanka, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin Golaha Wakiillada Puntland, si bulshada loo gaarsiiyo warar dheellitiran, sax ah, oo ka turjumaya xaqiiqada.
Gabagabadii kulanka, waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada wada-tashiga iyo is-xogwareysiga, si loo sii adkeeyo xiriirka shaqo ee u dhexeeya Golaha Wakiillada Puntland iyo warbaahinta, loona hormariyo hufnaanta iyo gaarsiinta xogta dadweynaha.
