Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ali Isse Nahar, ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday warbaahinta Gobolka Mudug oo tababar u yimid magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Xafiiska Warfaafinta iyo warbaahinta gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadidda xirfadaha warbaahinta iyo isdhaafsiga xogta rasmiga ah.
Ali Isse Nahar ayaa wafdiga ku soo dhoweeyey Garoowe, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in warbaahintu hesho tababaro iyo fursado lagu horumarinayo tayada shaqadooda, si bulshada loogu gudbiyo warar sax ah oo la isku halayn karo.
Wafdiga warbaahinta Gobolka Mudug ayaa dhankooda uga mahadceliyey kulanka iyo soo dhoweynta, iyagoo muujiyey diyaar-garowgooda ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta ay la leeyihiin Xafiiska Warfaafinta.
