Dowlad Goboleed Cusub oo Lagu Dhawaaqay: Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Shirweynihii wadajirka ahaa ee SSC-Khaatumo iyo Maakhir oo ka qabsoomay magaalada Laascaanood ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay magaca cusub ee Dowlad Goboleedka: “Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.”

Go’aankan ayaa yimid kadib dood iyo wadatashi qoto dheer oo socday maalmo, waxaana sidoo kale shirweynaha lagu ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka cusub.

Waxaa shirweynaha kasoo qeybgalay 417 ergay, dhammaantoodna waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen dastuurka, taasoo muujinaysa midnimo iyo taageero buuxda oo ay u hayaan hanaanka Dowlad-dhisidda iyo nidaamka Federaalka ee dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabadan taariikhiga ah, iyadoo ku tilmaantay “mid xoojinaysa nidaamka Federaaleynta, Dimoqoraadiyadda, iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.”

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa noqonaya mid kamid ah tiirarka cusub ee Federaalka dalka, iyadoo la filayo in uu door weyn ka qaato xasilinta, horumarinta, iyo isku-xirka bulshada ku dhaqan gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *